Sawiro:Qoorqoor oo la Kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay 

qoorqoor

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan.

Madaxweynaha Galmudug iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay abaaraha dalka ku dhuftay iyo sida Qaramada Midoobay ay gacan uga gaysan lahayd arrimaha bini’aadanimada. Sidoo kale, madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah waxay kawada hadleen ladagaalanka argagixisada iyo sidii argagixisada looga xorayn lahaa guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug, iyadoo Galmudug ay dagaal aan kala har lahayn kula jirto argagixisada.

Ugu danbayn, madaxweynaha iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo sida hormar looga samayn lahaa dowlad dhiska Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.