Madaxwayne Xasan oo U Dhoofay Dalka Maraykanka

xasanshekkh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Meertadan oo soconaysa inta u dhaxaysay 13-ka ilaa 27-ka Bishan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirade badan yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxa ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala soo kulmeen dhibaato xooggan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.