Sawiro:Muqtaar Roobow oo kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda diinta

muqtaar

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Sh. Mukhtar Roobow Cali oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Xil. Saalax Shariif Sayid Cali ayaa maanta kulan ku saabsan dardargelin shaqada la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda.

Kulanka oo ahaa mid ay soo agaasintay Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda ayaa ujeedkiisu ahaa isbarasho iyo dardargelinta howlgudashada Shaqaalaha.

Wasiirada ayaa la wadaagay shaqaalaha aragtidooda hogaamineed iyo sida ay udoonayaan in looga faa’iideysto cududa iyo khibrada shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa yiri: ” Waxaan ka shaqeynaynaa kobcinta aqoonta iyo xirfada shaqaalaha Wasaaradda, waxaan idin sameyn doonaa tababaro sare uqaadid aqooneed, xirfadeed iyo mid khibrad isdhaafsiba leh, si loo gaaro cudud shaqaale carbisan oo ka jawaabi kara dhankasta oo baahida shaqada la xiriirta”.

Wasiir Sh. Mukhtaar ayaa yiri: ” Dhamaanteen waxaan nahay mas’uuliyiin Qaran oo shaqo loo igmaday, waxaan rabnaa in aan Qaranka uga faa’iideyno Cududiina iyo khibradiina, waxaan idinka codsanaynaa in aad garab iyo gaashaan noogu noqotaan xilgudashadeena”.

“Waxaad tihiin cududa shaqaale ee aan ku faaneyno, waxaa lagama maarmaan ah in aan istaageerno oo wadajir ujiheysano, si loo gaaro yoolalka ay bulshada naga filayaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.