Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa ka qeybgalay daahfurka mu’aasasad kheyri ah

waayeel

Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug,ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday Degmada Caabudwaaq  oo lagu  maamuusaayey furitaanka  mu’aasasad kheyri ah oo qaabilsan Waxbarashada iyo Horumarinta Bulshada.

Xafladdaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaa kaloo ka qeybgalay maamulka degmada, culimaa’udiin, bahda waxbarashada, barayaal iyo ardada Jaamacadda Umadda Faraceeda Galmudug iyo marti sharaf kale .

furitaankii mu’aasasadda Tawfiiq ee qaabilsan waxbarashada iyo horumarinta waxaa soo dhaweeyay qeybaha bulshada eek u dhaqan degmadaasi.

Mu’aasasadaan  oo sidoo kale qaban doonta dhiirigalinta dhaalinyarada, waxaa furitaankii ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac,C/waaxid Cilmi Cumar Gonjeex iyo xubno kale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.