Dhageyso:Punland oo Eedeyn u Jeedisay Dowlada Soomaaliya

Wasaaradaha Maaliyadaha ee shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xiriirka u jaray Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda dhexe ee Soomaaliya,

Warqad ay ku wada saxiixan yihiin wasiirrada maaliyadda ee shanta dowlad goboleed, ee kala ah Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle ayaa lagu faafiyay baraha bulshada.

Warqaddaas waxaa lagu sheegay in laga billaabo 30-ka August, 2022, ay joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, taasoo ay ku eedeeyeen baal-marista heshiisyo hore.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal oo ka hadlay go’aanka ay ku joojiyeen wada shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka ayaa sheegay “Dowladdii hore wax walba wadar-oggol ayey ahaayeen, deeqaha iyo mashaariicdaba balse xukuumaddan wadashaqayn taas diyaar uma aha.”

Tifatiraha BBC-da Muxiyadiin Rooble ayaa wareysi la yeeshay Xasan Shire Abgaal oo ah wasiirka maaliyadda pPuntland oo faah faahin ka bixiyay sababaha qilaafkan soo cusboonaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.