Sawiro:Ra’iisal wasaare Xamsa oo gaaray Beledweyne

Xamze

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ra’iisulwasaare Xamsa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka XDS , Gen; Odawaa Yuusuf Raage,Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ku xigeenkiisa, Yuusuf Axmed Hagar, saraakiil iyo qeybaha kale ee maamulka Gobolka.

Xamse Cabdi Barre, Ra’iisulwasaaraha dalka ayaa inta uu halkaasi joogo waxa uu u kuur geli doonaa , xaaladda dadka ay abaaruhu saameeyeen, howlagallada ka dhanka ah Al-shabaab, dhibaatooyinka ay argagixisadu ka geysteen goobihii laga fara maroojiyay ee ay horay ugu sugnaayeen iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.