Taliska Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay howlgalkii Hotel Xayaat

boliis

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed “ Xjiaar” ayaa sheegay in ciidanka amniga ay soo afjareen weerarkii argagixisada ay ku qaadeen Hotelka Xayaat.

Mudadii howlgalka uu socday hay’adaha amniga ayaa xoogga saaray badbaadinta iyo badqabka dadkii goobta ku sugnaa.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay soo badbaadiyeen in ka badan 106-qof oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

“ Waxaa naxdin leh in meesha ay ku nafwaayeen dad biri-mageydo, tirade dadka wax ku gaareen goobtaas waxaa si faah faahsan idin la wadaagi doona wasaaradda caafimaadka oo ku howlan uruurinta xogta ku saabsan weerarka argagixiso,” ayuu yiri taliye Xijaar.

Hay’adaha aminiga ayaa xaqiijiyay in khasaaraha nafeed ee ka dhashay wejiga hore ee howlgalka uu aad u yaraa, ay ciidanka ku dadaaleen sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka gudaha Hotelka ku jiray.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed “ Xijaar”, ayaa tacsi u diray ehelka dadka shacabka ahaa iyo askartii waxyeelada ka soo gaartay weerarkii badahalnimada ahaa ee nabad-diidka Al-Shabaab ay ku qaaday Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.