Daawo:Shabaab oo gubay Ceelashii biyaha iyo Isgaarsiinta Deegaano hoostaga Maxaas iyo Baledweyne 

Kooxaha argagaxisada ah ee Al shabaab ayaa gubay Ceelashii biyaha ay ka dhaansan jireen dadka ku nool tuulooyinka Bukure, Hees iyo Raqso oo u dhaxeeya magaalooyinka Maxaas iyo Baledweyne ee Gobolka Hiiraa.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed Oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa u sheegay in kooxaha argagaxisada ah ay sido kale dab qabad siiyeen guryahii ay daganaayeen dadkii ay soo barakacisay abaarta.

Xildhbaanka ayaa sheega in argagixisada sidoo kale afdubteen qaar kamid ah wax garadkii Degaanadsi waxa ayna jareeyn isgaarsiintii tuulooyinksi,dadka degaanka aya xiligaan wajahaya dhibaato xooggan oo ay argagixisadu ku heeyso

Ugu dambeyntii xildhibaank aya fariin u diray shacabka reer Hiraan taa oo ah in ay u istagaan sidii ay isaga qaban lahayeen koxaha argagixisada ee diidan Nolosha dadka ku dhaqan degaanada ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.