Waaradda Caafimaadka Galmudug oo la wareegtay maamulka Isbitaalka Dhuusamareeb

wasiirgalmudug

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowlad gobaleedka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, ayaa ka qayb galey munaasabadan oo wasaraddu ay kula wareegeysay shaqada isbitaalka guud ee gobolka Galgaduud.

Munaasabadan oo ay ka qayb galeen wasiirro, Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed iyo gudoomiyaasha gobolka iyo kan magaalada  Dhuusamareeb, ayaa lagu amaanay shaqadii isbitaalka uu bulshada u hayay, sidokale dhamaan dadka madasha ka hadley ayaa ka dhawaajiyay in loo baahanaa isbadalkan si loo laba jibaarro shaqada isbitaalka.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa balan qaaday in Wasaraddiisa awoodeeda isugu geyn doonto sidii Isbitaalkan uu noqon lahaa mid laga helo adeeg caafimaad oo aad u tayo sare leh.

Mas’uuliyiinta munaasabadan ka qayb gashay ayaa Wadajir u kormeeray qaybaha kala duwan ee Isbitaalka sida qeybha Jiifka, Dawada, Tallaalka iyo Dhismayaasha kale ee Isbitaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.