Inay Socoto Baan Ishaaraayey Haddaa Afihiina Loo Jaray W/Q Dhiblaawe

xamse

Maanta waa 2dii Agoosto 2022, maalintu waa Talaada waxaa lagu dhawaaqay golahii
wasiirada JFS afkii iyo gacantii baa isku kay dhegay yaab, argagax iyo quus oo markii
danbe ii muuqatay waxaana igu soo dhacday dhawrkaan maahmaahyood.

1-REER BA,OOW YAA KULEH.
2-REER RAG LEH SIDAAS ROOB MA U GALAA.
3-WEYSHA GAWRAC DIBIGU HA KU QUUSTEE.
4-DOQONTA USHA AGTEEDA KU DHUFO,HADAY GARAN WEYDO LA DHAC.
5-DOQONI XIN MAAHEE XISAAB MA GARATO.
6-KAAF IYO KALA DHEERI KAAN U DHIGTAYBA MAAHA!!!
7-MEESHII CIRKA LAGA SUGAAYEY BAA CIIRYAAMO KA TIMID.

15kii May 2022 doorshadii madaxweynaha JFS maalin ka dib waxaan qoray maqaal
aan ugu magac bixiyey AASKII HALGANKII,GOBANIMADII IYO KARAAMADA
SOOMAALIYA!!!,iskama oran ee waxaan milicsaday xulistii xildhibaanada
baarlamaanka 11naad ilaa tii madaxweynaha ee ka dhacday TEENDHADA
AFISYOONE,sawirka ama humaaga ii soo baxay baa ahaa in aan gacmo
soomaaliyeed maamulin ee cadaw iyo shiisheeye ka taliyey ujeedadu ahayd in la
aaso HALGANKII,GOBANIMADII IYO KARAAMADA SOOMAAALKIYA!!!.


Haddaba qiyaastaydu ma ahayn meel cidla ah mid ku dhacday ee markhaatigeedii
maanta oo ah 02/08/2022 ayaan helay markii aan arkay xulashada golaha wasiirada
JFS loo qoondheeyey hoggaaminta hawlaha qaranka JFS.


Ma harin hadal laysyiraahdaa ee horey baa loo yiri madax xun waxay ka timaadaa
shacbi xun,waxaa xumaaday ee meel lagu ogaaday waa shacbiga
Soomaaliyeed,qabaa,il baa laysugu direy,waa la bahdiley,waa la gaajeysiiyey,markaas
baa magacyo cusub qabiilkii u taagan loo bixiyey sida


SOOMAALILAAND,PUNTILAAND,GALMUDUG,HIRSHABEELLE,KOOFURGALBEED,
JUBALAANDI IYO XAMAR OO GO’DOON.


Bal ila eega hooga iyo ba’a Sool iyo Sanaag waxay ka cabanayaan Hargeysa iyo
Garoowe, Hiiraan waxay ka cabaneysaa Dhuusamareed iyo Jowhar.Gedo waxay
ashtako ka tahay Baydhabo iyo Kismaanyo iyo Muqdishow oo madi ah oo halgan
gobanimadoon ku jirta.


Intaas waxay marag cad u tahay in aan DAL,DIIN IYO DAD MIDNA FARA NOOGU
JIRIN EE MAYS DABA QABAN KARNAA?


Dalka iyo diinta iyo dadku waxay maanta joogaan khadho maalin ah bal daawada
muuqaalka iyo maqalka hoose.

Culumaddii waa labo kuwo waa kuwaas dhiiga aadamiga ee Alle naga xarimay
khadada siisanaaya,kuwana waxay la nool yihiin qabiilkooda goonida loo gooyey ee
kaligitaliyuhu hoggaanka u yahay, Wax kale dhaaf xaggee kitaabka Alle oo ay
akhriyan ku dhaqankiisa ku tureen(XARIGA ALLE QABSADA OO HA KALA TEGINA).


xaggee ku tureen oo ku ogolaadeen Federaal micnihiisu yahay qaybi oo xukun,dhalinyaradii shalay diiday qaybi oo xukunkii Talyaaniga iyo Ingiriiska maantamaxay ku nool yihiin? waa kuwa lagu qaciyey in ay dadkooda ku laayaan khado maalina, maqalka sare baa marag u ah.Su,aashu waa nala aasay ee mays dabaqaban karnaa? Aniga xagayga waa aah,waana in dhammaan culumo,dhalinyaro iyo
shacbiba aan diidnaa waxa ay ugu yeereen Federaal oo ka xun tii 1884kii qaybsigii
Baarliin ee Soomaaliya Shanta meelood loo qaybiyey ee aan weli ka soo kaban
la,nahay.Maxay adiga kula tahay?.


Waxaa Qoray Dhiblaawe.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.