Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo ka Qabgashay Xuska Todobaadka Naas Nuujinta

Wasiir

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ayaa manta qabatay munaasabad lagu daahfurayo Xuska Todobaadka NAAS NUUJINTA. waxaana horjoog u ahaa maanta Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nur oo ay Wehliyaan Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Marwa Xanifa Mahamed Ibrahim iyo Senator Zamzam Dahir.

Munaasabda waxaa kaloo kasoo qaybgalay Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobola Banadir Mahamed Caddow, howlwadeenada Wasaaradda Caafimaadka,  Xubno ka tirasan Ururadda kala duwan ee Xirfadleyda Caafimadka, Agaasimayaasha Cisbitaalada, Hay’adahha ka shaqeeya Nafaqadda, Ururka Haweenka Soomaliyeed iyo Bulshadda Rayidka.

Ujeedka Munaasabada ayaa ku aadanayd sidii kor loogu qaadi lahaa baraarjuga bulshadda iyo wacyigelinta muhiimadda naasnuujinta iyo garab istaaga hooyada ee Naasnuujinaysa.

Wasiirka Waasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa ku talisay in Naas-nuujintu ay bilaabato saacadda ugu horeyso marku ilmaha u dhasho, waana in uu helaa naas-nuujin aan barax lahayn 6da bilood ee ugu horaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.