Akhriso:Natiijada Imtixaanaadka Dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir

Cumar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlaayay Munaasabadda Shaacinta natiijada Imtixaanaadka Dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu si qoto dheer ugu hadlay heerarkii kala geddisnaa ee laga soo maray in Maamulka Gobolka lagu soo wareejiyo Waxbarashada.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in maamaulka Gobolku uu DF kala soo wareegay saddex sana ka hor qaadista imtixaanka Dugsiyada dhexe iyo adeegyada caafimaadka, taas oo uu sheegay inay kaga jawaabayeen cabasho badan oo ka timid bulshada Caasimadda ku dhaqan taas oo ay garwaaqsadeen wasaaradaha ku shaqada lahaa adeegyadan.

Duqa Muqdisho ayaa hambalyo u diray dhamaan Ardayda Gobolka Banaadir ee natiijooyinka kala geddisan ka gaaray Imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2021-2022 ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambayn, Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax dheere) ayaa shaaciyay natiijada Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe ee Caasimadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.