Sawiro:Ra’iisulwasaaraha dalka oo la kulmay dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Xamze

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane, Hamza Abdi Barre ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay tallooyinka ay soo jeediyeen dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo arrimaha ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso.

Dhankooda, dadka qaba baahiyaha gaarka ah, ayaa soo bandhigay arrimaha ay u baahan yihiin in wax looga qabto, iyagoo uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha mudnaanta uu siinayo dhageysiga bulshada qeybaheeda nugul.

Kulanka uu Ra’iisulwasaaruhu maanta la qaatay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa daba socday kulamaddii uu maalmahan la lahaa bulshada qeybaheeda kala duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.