Sawiro:Rooble oo xarigga ka jaray dugsiga hoose agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka SRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka, ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiinkad oo wax yeelo u geysanayay xiliyada kulaylaha,

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho ku tagay xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed  24 kii bishii Janaayo ee sanadkii 2021  oo ka damqaday goobta ay wax ku baranayaan, ayaa amray in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u horey qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.