Daawo:Madaxwaynaha Puntland ayaa loogu soo dhoweeyay maanta magaalada Garoowe

deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay maanta magaalada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay guud ahaan xaaladda dalka gaar ahaan Doodashadii Madaxweynaha JFS ee dhowaan ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay in Puntland ay ku faraxsantahay Doorashada iyo siday u dhacday nabadna ugusoo dhammaatay, wuxuu Madaxweynuhu xasuusiyay Bulshada in markasta oo Doorasho dhacdo dadku is qoonsado, Balse reer Puntland Sidii lagu yaqaanay waa inay hore uga socdaan, laysna cafiyaa oo aan dib la eegin.

Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.