Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka warbixiyey Ujeedka Safarkiisa Baydhabo

laftagareen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Guduud soo dhoweyn diirran ugu  sameeyey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin ka kala socday Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha oo ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qotomo dib-u-heshiisinta bulshada, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aaddan dhab-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.