Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo kula kulmay odoyaasha dhaqanka 

Koonfurgalbeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa ku sugan Baydhaba ayaa kulamo is-xogwaraysi ah la qaatay odeyaasha dhaqanka ee degaannada maamulka Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaana ku wehliya kulamadaan.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay odoyaasha dhaqanka ee shirka ka soo qeybgalay, kuwaasi oo intooda badan ka hadlayay xaaladaha beni’aadannimo ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo intaa ku daray in dowladda ay ka jawaabi doonto baahiyaha ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.