Sawiro:Rooble oo kulan la qaatay guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Sacdiyo Firinbi

sacdiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BFS Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar “Sacdiyo Firinbi” oo ay ka wada hadleen u diyaar garowga doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maalmo kooban ka harsan yihiin.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta Axadda ee soo aadan, iyadoo oo maanta Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay soo idleeyaan diiwaan galinta Musharaxiinta ku tartamaya qabashada jagada ugu sarreysa Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.