Sawiro:Gudoomiye Aadan Madoobe oo kormeeray teendhada Afisyooni

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah  ku tagay teendhada Afasiyooni  oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS.

Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afasiyooni kulan kula qaatay saraakiisha Ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya, asaga oo faray Saraakiisha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada Madaxweynaha. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka BFS.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta Axadda, ayada oo maanta Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay soo idleenayaan diiwaan galinta Musharaxiinta ku baratameysa qabashada jagada ugu sarreysa Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.