Guuldarada Jubbaland Maanta Ma ayan Bilaabin W/Q Dr Yuusuf Ducaale

Jubbaland

Laga soo bilaabo maalintii calanka maamulka Jubaland aynu ka taagney barxadda weyn Jaamacada Kismaayo-(eeg sawirada hoos ku lifaaqan) iyo maanta oo aay 10 jirsatey.

Axmed M. Islaan iyo kooxdiisa Pan-Itixadism guul la xusi karo oo Jubaland u soo hoyise anigu ma garanayo. Xil. Xamse qudhiisa oo Kismaayo ku yimid habarwacadkii Pan-Itaxadism iyo yaa habarkuuleey ah waayadii dambe, waxaan ognahay oo kale in uu qayb ka ahaa, welina horkacaye dulmifalayaasha caanka ahaa ee u dhardhigtey hogaamiye A. Madoobe doorashadiisii xaaraanta ahayd ee u dambeyse. In cidda Madoobe kaalmeysa ama kobaha u galisa, kaftoodu uu tolaana caybtiisa ma aha ee waa caado uu leeyahay, bulshadana ku taqaan. In qofka masuulka ah, ee dulmiga la qastey Madoobe, hadana raba in uu dhalliilo ama ka cawdo siyaasadiisa sax ma aha. Waa wax lala yaaba ama laga xishooda ah. Xildhibaanka iyo kuwa la midka ah in fagaaraha baraha bulsha ku dhuuntaan ayuu caqliga fayoobi qabaa.

Hadaba, claacalka Xill. Xamse ee la xiriira fashilka siyaasadda iyo kala qaybsanaanta, waa beertii dulmiga ee uu isagau faley dalagii ka soo go’ay. Ujeedada ka dambeysana xilligan in uu qubo ilmada Yaxasska ma aha damqasha reer Jubaland uu u damqanayo, ee waa digasho jabka uu u geystey Jubaland iyo damaashasd guusha Puntland oo si dadban farrin ugu disanayo. Hadalka runtiisa waxa weeye hogaanka Jubaland marna ma yeelan stratejiyada siyaasadeed ha noqoto mid heer degaan, mid federaal dhexe, mid gobol iyo caalami oo ku saleysan wax wadaqabsi ama danwadaag mug, meesaan iyo qorshe cilmiyeysan wadata. Waxaa taa kaba daran kooxda Madoobe waxay kol aan dhoweyn xabaashey midnimadii bulshada Jubaland.

Aniga iyo qaar kale oo badan oo si hoose ula socda fashilka maamul ku sheega Madoobe iyo kooxda ku xeeran in aynu u tilmaamidda dhalliilahooda, kana talabixino siday wax uga bedelilahaayeen habdhaaankooda caadifadda iyo camiraadada CIDA ALLOW oo dantooda gaarka ah u halfan ugu jira. Waana tan sababtey guuldarrada Jubaland isdabajooga ah iee sanadadii la soo dhaafey. Sidaa darteed Xildhibaanka guuldarada maanta oo qura uu arkey ama xusey, waxaan leeyahay “ tuxaasib kamaa tafcal”.

Waxaan soo dhoweynayaa dhawaaq walba oo ka soo yeera cid Jubaland aanan dembi ka galin, hadal xaqa ahna shegta dhibaatada gaamurtey iyo fashilka maamulka Jubaland, xilligaydoontaba ha baraarugaane. Dhwaaqase Xil. Xamsase iyo rag ka horeeye ee dulmiga hiil u noqdey, ma aha mid xilligani ka gadmeysa reer Jubaland oo ka dheregsan gadaafaduu u geystey la daalaa dhacaya. Guul la hubo maalintaas calansaarka ayaa u horeyse una dambeyse.

Linkiga Facebook Dr Yuusuf Ducaale kanfiirso masawirada.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=3882671228625506&id=100006480029185

Guul Jubaland IA.
Dhr. Yuusuf Ducaale

2 Comments

  1. Calaacal reer Gedo oo aan dhamaad lahayn, waa laga yaabaa adiga Dr. Yuusuf Ducaale in maalin dhow Kismaanyo ka degto oo lagaa Daba qaiyo.
    Talo reer Gedo idinku soo heshiiya, oo hadana waxaa rabtaan kusoo heshiiya. Dhulkiinana aamina.

  2. Ilaa maalintii Jubbaland la asaasay marba koox reer Gedo ah baa dudaysay, sidee loo qanciyaa.
    Hadii reer Gedo leeyihiin wax baa hagaajin waxaa laga arki lahaa Gedo oo air, iskuul, isbitaal iyo wado midna loo dhisin. Hotel badan oo Muqdisho ku yaal waxaa madax furasho loo haystaa dad reer Gedo ah.
    Yaab.
    Dhulkiina aamina oo dhista, xataa hadii reer Jubbaland la heshiin weydeen Gedo iyo Luuq maamul gobeleed ka dhigta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.