Daawo:Madaxwayne Karaash oo Si Diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Boosaaso

karaash

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, Waxaa magaalada bannaankeeda si diiran ugu soo dhoweeyay Goleyaasha dowladda, Maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Siyaasiyiin, Ganacsato,Nabadoono, Saraakiisha Ciidamada qayba hooda kala duwan iyo Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo masuuliyiin kale.

Ujeedada socdaalka Madaxweynaha ayaa ahaa u kuur gelida xaalada guud ee gobolka Bari sida Amniga, Abaaraha iyo Inuu kulan la qaato qaybaha kala duwan ee Bulshada Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.