Gaalkacyo:Wasiirkii Arimaha Dibada Soomaliya oo Ka bad baaday isku Day Dil

wasiir

Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ayaa beerta ugbaad ee duleedka magaalada Gaalkacyo ku weeray Duqii hore ee Gaalkacyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad kaas oo galabta Afur u sameeyay wasiiirka Arimaha Dibadda dawlada Fedaralka Abdisaciid muuse.

Nabadoon Yaasiin ayaa dhaawac soo gaaray sidoo kalana waxaa isna dhaawacmay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Mudug G/dhexe Cabdi Siciid Xuseen (Koomaad)

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ayaa aad u dhaliila siyaasadda Madaxweyne Deni wuxuuna maalmo ka hor madaxweynaha u soo jeediyay in uu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa Ahmed Karaash maadaama uu isagu u sharraxan yahay xilka Madaxweynaha Somaliya.

Weerarka ayaa kusoo aadaya xili maantay ay gudiga amniga gobolka mudug oo shiryeeshay ay kasoo saareen in Gaalkacyo aan lagu qaban karin shir iyo banaanbax aan dawladdu ogayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.