Madaxwaynaha Kumeel gaarka ah ee Puntland oo ka hadlay werarkii Gaalkacyo

karaash

Madaxwayne ku meel gaarka ee Puntland Ahmed Cilmi Cismaan ayaa waxuu ka hadlay Weerar Xalay lagu qaaday Nabadoon Cabdisamid iyo Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya kaas oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Karaash, War Qoraala oo Madaxwaynaha ku meel gaarka ah ee Puntland kaga hadlay Weerarka qasaaraha gaystay oo ka dhacay Gaalkacyo ayaa sidaan u oqrnaa.

“Waxaan ka tacsiyaynayaa shaqaadada ka dhacday caawa Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkacyo, waxaan Eebe Janatul Fardowsa u waydiinayaa askarigii ku nafwaayey, inta ku dhaawacantayna waxaan u rajaynayaa in Eebbe u booga-dhayo oo uu ugu horeeyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka Mudug.

Waxaan aad uga xumahay dhacdadan liddiga ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka iyo kan Degmada,sababtayna dhaawaca iyo dhimashada muwaadiniin reer Puntland ah”.

Waxaan u magacabayaa Guddi ka hawlgasha baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas.

Baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lugyeelata waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.