Cumar Cabdirashiid oo Fashil ku Tilmaamay In Doorashadii ka dhacday Garoowe

cumar

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa fashil ku tilmaamay qaabka ay ku socoto doorashada Golaha Barlamaanka Soomaaliya ee ka bilaabatay Maamul Goboleedka Puntland Gaar ahaan Garoowe.

Ra’iisalwasaarihii horeoo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay xunyihiin xaaladda ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka, isla markaana waxaa uu su’aan geliyay cidda ay kula xisaabtamayaan dhibaatooyin ka muuqda doorashada.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa tilmaamay in xaqiiqda doorashada marka la eego ay tahay wax aad looga argagaxo, ayna wixii hore looga digayay ee aheyd in la boobo doorashada.

Dhanka kale Cumar Cabdirashiid ayaa dhaliilay in doorashada Golaha Shacabka lagu qabto xero Ciidan, xili shalay Guddiga doorashada Puntland ay doorashada kuraastii ugu horreeysay lagu qabtay Xerada Ciidamada 54-aad ee ku taalla Magaalada Garoow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.