Sawiro:Madaxweyne Guudlaawe ayaa Dib ugu Soo Laabtay Jowhar

guudlaawe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga arinsanayay dhameystirka iyo dardargalinta arrimaha  doorashooyinka oo guul ku soo dhamaaday.

Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda ka jirta deegaannada Hirshabeelle iyo sidii loo dar dargelin lahaa arrimaha beni’aadanimo ee ka jirta qaar ka mid ah Deegaannada Hirshabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.