Dalka Soomaaliya Yuu Difaac karabaa Duulaan Baa Kusocdee? W/Q Dhiblaawe

Rooble

Waxaa laga joogaa sanad iyo bil markii loo doortay R/W Maxamed Xusseen Rooble, xaalad cakiran oo dalka ka jirtey darteed waxaa markiiba Madaxweyaha dalku ku wareejiyey hoggaaminta doorashada iyo amnigeeda oo muran iyo fara isku fiiq badani ka jirey ayada oo Farmaajo iska fogeynaayey in aan dib u dhac iyo musuqmaasuq ku dhaca doorashada lagu eedayn, haddaba maxaa dhacay?

Halkii uu Rooble xoogga saari lahaa doorashada wuxuu awoodiisa u weeciyey in uu wiiqo wixii dawladahii kala dambeeyey qabteen tan iyo markii lagu soo laabtay Muqdishou laga soo bilaabo AHN Cabdullaahi Yuusuf ilaa Farmaajo(BEEN DOODE BEEN BUU DHAARTAA),aanu qodabayno intaan aan xasuusto:-

1-Dawladihii loo arkaayey cadawga dalka oo meel la isga xirey in uu yiri xiriikooda baan soo celinayaa isuna diyaariyey  safar uu ku kala bixinaayo,waa go,aan hal dhinac ah,gole wasiiro,baarlamaan iyo madaxweyne midna wax kama oga,waana arinta dhalisay in madaxweynahu uu wareegto qoro kuna caddeeyo in doorshada xoogga la saaro oo deg deg loo soo afjaro,heshiisyo cusubna aan la gelin inta xilka doorasho lagula kala wareegaayo,taas oo micnaheedu ahaa in amaanada afar sano loo hayey ummadda ama loo qabtay lagu  simo gacan xaq u leh ee ayyan boob iyo bililiqo galin waqtiga kalaguurka,( FIIRA GAAR AH) dacdadaan waxay ka denbeysey safarkii koowaad Rooble dibada ku tegey waa Jabuuti.

2-Safarkii labaad waa kii uu Keenya ku orday oo koofiyada iyo macawista uu u xiray Uhuru,weli yaqyaqsi baa I haya wuxuu sameynaayey oo shaqsiyadiisa iyo tan Soomaaliya sharafdhac ku ahayd,ugana sii gudbey dalalka carabta qaarkood,markii uu cagaha soo dhigay wuxuu eryey madaxdii amniga qaranka sida wasiirkii amniga taliyihii NISA iyo ku xiggeenadiisii kuwa kalana waa magacaabay,waa go,aan hal dhinac ah.

3-Wuxuu shirkii golaha wadatashiga qaranka iskugu yeeray teendhada afisyoone awoodii doorashada wuxuu gacanta u geliyey madaxweynayaasha Maamulada gobolada dalka,waana bilaabatay.

Mar kale wuxuu u dhoofay Jabuuti,markii uu soo cagadhigtay wasiirkii Gaashaandhiga buu xilkii ka xayuubiyey mid kalana waa magacaabay,wuxuu ku amray wasiirkii asagu u magacaabay amniga in uu wareegto qoro nabadsugida looga saaraayo garoonka caalamigaa ee Aden Cabdulle Cismaan,yaa ii sheegi kara dal adduunkaa oo aan nabadsugidu ka hawlgalin albaabada laga soo galo siiba garoomada?

4-Wuxuu ruqseeyey qayb ka mid ah gudigii khilaafaadka iyo gudoomiyihii gudiga doorashada qaranka,waa go,aan hal dhinaca.

5- Wuxuu iskugu yeeray gudigii wadatashiga qaranka,doorashadii oo socotana waa joojiyey,waxaana laysku afgaran l,a yahay mudo todobaad ah,asaga oo miiska soo saartay in dalka asaga lagu wareejiyo,waxaan is weydiiyey masuuliyada dalka gudi ma wareejin karaa haddii dastuurka dalku siinaayo qof la soo doortay sida Farmaajo?(KAAF IYO KALA DHEERI KAAN U DHIGTAYBA MAAHA).

6-Waxaa madaxayga ka weyn diyaarad sidey xooggaa kartoonaa oo buskud iyo caana booraa,ayyada oo gudigii abaaraha qaranku joogo,oo wasiirkii gargaarka iyo masiibooyinku joogtto,waxa ku kalifay resulwasaare rooble in uu garoonka ku sugo diyaaradii Immaaraadaka,arinta Immaaraadka oo dawlada oo dhan meel iskaga xirtay go,aan kaligiisa qaato oo yiraahdo xiriirkii waan soo celiyey,raaligelin baan siiyey,lacagtii laga haystayna waan celinayaa,waa go,aan qof kaliyaa,aniga waxaan qabaa in aan xataa madaxweynahu kaligii qaadan Karin go,aan kaas ee loo maro awalba habkii lagu qabtay oo bangiga loogu curaaray.(DIBIGA INA NAASA ADAG IYO LABADA WEER MAXAA KULMIYEY)Diyaarada imaaraadka ka timid iyo go,aanka Rooble maxaa kulmiyey?

7-Waxay Rooble uga dhegan tahay ha la bedelo dhammaan madaxda ciiddamada oo aan is leeyahay ciiddamada iyo shacbigu kal sooni bay ku qabaan( waxa an kaa celinayaa ma xeerada salkeeda)arinkaas sow dawladnimada ha la baabi,iyo maaha?

8-Hadda waxaa I soo gaaraaya laba arimood oo kala ah in hawada dalka lagu wareejiyo hay,ad gaar loo leeyahay iyo terminal ka mid ah garoonka ha la xiro iyo hala furo,dhammaan arimahaan oo dhan sow uma muuqdaan khalkhalgelinta aminiga qaranka.(QURAANYO KU QUUSO),Qofkii garasho iyo xigmad leh,kii Alle ka baqaaya,wadani dalka iyo diinta u damqanaaya baan la hadlayaa ee la hadli mayo qabiiliiste afkiisa aan kala xishoon annaga Reer Magaag ah iyo mid shisheeye shilima ka soo qaatay oo loo soo diray dalkaaga orod soo waxyeelee.

Ugu danbayn,hadday jirto culumo iimaan leh,haday jiraan kuwo aqoon sheeganaaya,dhalinyaro iyo haween wadaniyiin ah dalku haaddaan buu ku socdaa cidda ku rideysaana ma qarsoona ee waa muuqataa,rag baa raba asaga iyo caruurtooda kaliya in ay siistaan jiritaankeena oo dhan ma indhaha baan ka daawanaa (CAANA DAATAY DABADOODA BAA LA QABTAA)Waxaan arkaayey kuwo sheeganaaya ururo bulsho aqoonyahano iyo odayaal oo arintu xanuujineyso laakiin afka kala baqaya in ay eeda cid saaraan ogaada(LABA IS HAYSTA MID BAA MEESHA WAXAAN GALI KARIN SOO GELINAAYA AMA MID BAA MEESHA WAXAAN GELI KARIN SOO GELINAAYA),anniga warkaygu waa cad yahay oo arinta sare oo aan goobjoog u nahay baa igu filan dalka ma ka difaacanaa KOOXDA XARAASH QARAN OO DUBAHOODU YAHAY ROOBLE, AXMED IYO DENI.

Wabilaahi Towfiiq,Dhiblaawe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.