Sawiro:Kulan looga hadlayo Amniga Garoonka Aadan Cadde oo lagu qabtay Muqdisho

wasiir

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duran Axmed Farah ayaa maanta Shir guddoomiyay Shirka billaha ah ee Amniga Garoonka Aadan Cadde kaas oo ay ka qaybgaleen Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah, Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde, Saraakiisha Amaanka iyo AMISOM.

Wasiir Duraan Axmed Faarax ayaa Hay’adaha amniga ka dhagaystay warbixinta Amniga ee Garoonka, waxaana intaas kadib uu ka mahad celiyay sida shaqada ay u socoto, isagoona Hay’addaha Amniga faray inay soo laba jibaaraan Shaqadda ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn Maamulka Garoonka ayaa soo bandhigay warbixin la xariirta qiimayn lagu soo sameeyay dhismaha Parking cusub oo garoonka yeelanayo, waxaana ay sheegeen in dhawaan bilaabayaan dhismhiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.