Daawo:Qoysas Abaarta Soo Barakicisey oo Baydhabo Biyo Loogu qaybiyey

Xubno ka tirsan Guddiga Abaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhawaan Magacaabey Madaxweyne Cabdiasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maanta kormeer kusaameeyey Biyo yarida ka jirta Magaalada, iyo Xaaladda Nolaleed ee Qoysaska Danyerta ee ku nool Duleedka Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo ay soo Barakicisey Abaarta kajirta koonfurta soomaaliya.

Gudiga ayaa biyo dhaamin maalin walba ah, usamaynaya dadkaan kasoo baracay abaaraha iyagoona sidoo kale kormeerey Ceel biyoodyo ku yaala Duleedka Magaalada Baydhabo.

Xubnaha Guddiga Abaaraha KGS ayaa isugu jira Wasiirada Arrimaha Gudaha Maxamed Abuukar Abdi , Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mukhtaat Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Imaan Cali Cabdi;( iimaan Goobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.