Imaaraadka oo Muqdisho ka bilaabay Shirar Soomaliya lagu dhibaataynayo

axmedmadoobe

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hoygiisa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjire Maxamed Axmed Cuthmaan, Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa Dowlada Imaaradka Carabta uga mahad celiyay gurmadkii ay ka gaysteen abaaraha ka jira Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay talaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ee uu dib ugu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal kaas oo waxtar u leh labada shacab.

Imaaradka ayaa wada qorshe Soomaaliya lagu dhibaataynayo si dalka ay uga dhacdo dagaal sukeeya iyo dib udhac wayn oo ku yimaada Doorashada golaha Shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.