Akhriso:Wasiirka Gaashaandhiga oo amray in la Baaro dhulkii Ciidanka Bada ee rooble dhistay

rooble

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Senator Xasan Xuseen Xaaji ayaa amray in Baaritaan lagu sameeyo Muuqaal dhawaan uu baahiyay Taliyaha Ciidamada Badda, kaasi oo ku eedeeyey Ra’iisul Wasaare Rooble inuu si sharci daro ah ku dhisanayo dhulka Ciidanka Bada soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa si gaar ah u amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneral Odowaa Yuusuf Raage  inuu baaritaan deg dega sameeyo Talaabana ka qaado waafaqsan sharuucda dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.