Sawiro:Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo la wareegay Agab loogu tala galay qeybta 27-aad

gadiidciidan

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Generaal Odowaa Yuusuf Raage iyo sarakiil u hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Baladweyn kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Baladweyn

Ujeedka safarka Taliye Odawaa ee Magaalada Beledweyne, ayaa ahaa sidii Saraakiisha Ciidamada guutada 5-aad ee qeybta 27-aad uu kala hadli lahaa la dagaalanka Maleeshiyada Al-Shabaab oo maalmihii an soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka waday inta u dhaxeeysa degmooyinka Matabaan iyo Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa sidokale munasabad lagu qabatay Beledwene kula wareegay gaadiid iyo Agab kale oo loogu tala galay ciidanka xoogga ee ka howlgallo Magaalada Beledwen ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.