Isimida Puntland oo War Murtiyeed kasoo saaray Xaalada cakiran ee Boosaaso

boqorka

Kulan ay isugu yimaadeen isimada Puntland oo uga xaajoonayeen Xaalada colaadeed ee ka jirta Magaalada Boosaaso ayaa waxay kasoo saareen War-Murtiyeed lagu xalinayo qilaafkii soo kala dhex galay madaxwaynaha Puntland iyo Taliyaha PSF.

1 -Waa inay dhaqan gashaa xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ee uu xilka kaga qaaday Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Dyaano looguna Magacaabay Aamiin Cabdilaahi Xaaji Kheyr.

2-Guryaha Hubka iyo Gaadiidka waxaa Mulkiyadiisa iska leh Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Diyaano.

3-Xuquuqdii ka maqnayd ciidanka PSF mudo 13 bilood ah waa in ay bixsaa dowladu.

4-Waa in ay dowladu bixiso kharashka Ilaalada gaarka ah ee Agaasimihii hore ee Ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Cabdilaahi Diyaano madaama uu dalka u soo halgamay.

Hoos ka akhriso isimada Puntland ee warmurtiyeedka soo saaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.