Dhageyso:Ciidanka Boliiska ayaa soo xiray dad lagu tuhmayo dilka caruur walaalo ah

boliis

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa  ka warbixiyay  dhacdo lagu dilay laba Carruur Walaalo ah oo ka dhacday Aaga Weeydoow degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka oo lahadalay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay soo xireen ninka qabay hooyada dhashay caruurta la dilay iyo iyada, kuwaas oo lagu haayo xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Afhayeenka ayaa sidokale tilmaamay in dilkaas Carruurta loo geystay uu ka dambeeyo qof qoyska Reerka ka tirsan, wuxuuna sheegay in Carruurta la daldalay kadibna Afka Carro looga shubay. Waxa una Afhayeenkau intaa haalkisa ku daray inay wadaan baaritaano la xiriira sida uu falkaasi u dhacay, isla markaana wixii kusoo kordha ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Sakay ayay ahayd markii meydka ah Wiil iyo Gabar walaalo ah da’doodu kala tahay 7 jir iyo Shan jir lagu arakay Xaafadda Jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan degaanka Garasbaaleey ee duleedka muqdisho,dhacdadaan oo naxdin iyo murugo ku reebtay Ehelka iyo dadka xafadaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.