Maamulka Hirshabeelle oo Dhawaan Bilaabaya doorashada Xildhibaanada

hirshabeele

Maamulka Hirshabeelle ayaa qorsheynaya in dhawaan uu bilaabo qabashada doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana si aad ah magaalada Jowhar ah looga dareemayaa u diyaargarowga doorashada.

Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo loo asteeyay inay doorashada ka dhacaan ayaa waxaa ka socda diyaargarow xoog leh oo loogu jiro sidii looga bilaabi lahaa doorashada Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Shabeelaha dhexe Maxamuud Cilmi Raage ayaa ka hadlay xaaladda amni ee magaalada Jowhar iyo diyaargarowga doorashada golaha shacabka.

“ Amniga magaalada Jowhar aad buu u wanaagsan yahay, sida laga warqabo doorashadii Aqalka sare si nabadgalyo ayay ku dhammaatay, haddana waxaan rajeyneynaa in ay bilaabato doorashada golaha shacabka, aad baan ugu diyaargarownay, nabadgalyada degmada Jowhar waaa mid la isku haleyn karo,” ayuu yiri guddoomiye Raage.

Amniga magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada Booliska ay joogta ah u sameeyaan howlgalo amniga lagu sugayo looguna diyaarinayo in doorashada in si nabadgalyo ah ay ku dhacdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.