Guddiga Doorashada oo joojiyey Doorashadii Kuraasta HOP154 Iyo HOP103

jawaari

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa celiyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay kuraas aan loo marin habraacyada doorashada Golaha Shacabka oo kala ah HOP154 iyo HOP103.

Guddiga doorashada waxaa ay sheegay In kursiga sumadiisu tahay Hop154, habkii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada, iyadoo murashax ka mid ah kuwii u tartamayey uusan buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020.

Dhanka kale Kursiga uu tirsigiisu yahay Hop103, oo horay dacda uga gudbiyey Jawaari ayay Guddigu sheegeen in doorashdiisu ay tahay mid waxba kama jiraan ah oo dib loogu noqon doono, iyagoo sheegay in  la tix raacayo  go’aanka guddiga ee ku xusan warqadda sumadeedu tahay (TXR/GHD/0056/21) soona baxday 27 Noofeembar 2021, go’aankaas oo lagu hakiyey in la qabto dorashadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.