Wasiirada Galmudug oo isku raacay Xeraale inay Noqoto Degmo

Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Shir guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Galmudug kaas oo ka dhacay xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shirka ayaa looga hadlay arrimaha amniga, doorashada ayadoo dhinaca kale warbixin looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kuna saabsaneyd Degmeynta Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Shirka, oo uu kasoo qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka mudane Cali Daahir Ciid, ayaa laga dooday, warbixinta wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, iyadoona ugu danbeyntii cod loo qaaday degmeynta Xeraale oo ay Goluhu si aqlabiyad leh u ansixiyeen.

Dhinaca kale, wasaaradda Amniga ayaa golaha u qeybisay nuqulo Xeerka Hubka fudud ah oo ay goluhu soo akhrin doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.