Sawiro:Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo laabtay

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallim, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Dooxa kaga qayb galay Furitaanka Koobka Kubbadda Cagta ee dalalka Carabta.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dooxa waxaa uu kulan la qaatay Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.