Gudoomiye Mursal ayaa dib loogu doortay Golaha Shacabka

Mursal

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta ka billaabatay magaalada Baydhabo, ayada oo doorashada maanta ay ku tartamayeen Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanaka Soomaaliya iyo mudane Feysal ibraahim Xasan.

Kursiga koowaad ee doorashadii maanta la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo markale ka mid noqday xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Mursal ayaa helay 88-cod oo uu kaga guuleystay musharaxii kale ee la tartamayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.