Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa aqbalay Dacwadii Jawaari Soo Gudbiyey

jawaari

Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa hakiyay doorashada Kursiga Hop103 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sh Cismaan Jawaari, kaddib markii laga hor istaagay inuu kuraas u tartamo.

Og: Guddiga Xalinta Khilaafaadka

Og: Madaxda Maamul Goboleedyada

Og: Raysalwasaaraha – JFS

Ujeedo: Hakin doorashada kursiga (HoP103)

Waxaa mahad iyo bogaadin u soo jeedinayaa guddiga doorashooyinka  Koonfur Galbeed oo si hagar la’aan ah u wada hawsha doorashada, iyadoo maanta ay kuraastii doorashada golaha shacabka ee ugu horaysay ay ka dhacayso Baydhabo.

Haddaba iyadoo ay ka imanayso cabasho habraaca loo maray kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay, iyadoo guddigu (FEIT) saaka ka yeesheen shir ayaa ay isku raaceen in la hakiyo doorashada kursigaas, haddaba waxaan faraynaa guddoonka iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed in la joojiyo qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay 103 ilaa amar danbe.

Haddaba, amarka hakintaani wuxu soconayaa ilaa inta guddigu ka xalinayo tabashooyinka ka soo yeeraya habraaca loo marayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.