Koonfur Galbeed oo shaacisay doorashada Saddex kamid ah Golaha Shacabka

koonfur

Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa shaaciyay qabashada Saddex kursi oo kamid ah kuraasta Gollaha Shacabka ee degaan doorashada Maamulkaasi.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in 27-ka Bishaan oo Beri ku beegan la qabanayo doorashada Saddexda kursi, iyaga oo horay u shaaciyay in la qabanayo doorashada 11 kursi.

Kuraasta doorashada la qabanayo ayaa waxaa ay kala yihiin, HOP#182 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, HOP#170 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali iyo HOP#171 oo ay ku fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shalay soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda la qabanayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.