Wararkii Ugu dambeeyey qasaarihii ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

qarax

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qarax Is-miidaamin oo saaka ka dhacay albaabka hore ee Iskuulka Mucaasir ee ku yaalla inta u dhexeeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee Magaalada Muqdisho.

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in abaarihii 0732 uu Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo Guriga Ex.M. Cabdiqaasim gaar ahaan afaafka Hore ee Iskuulka Mucaasir oo ku yaalla kasoo horjeedka Dugsga sare Banaadir .

Boliiska  ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay qaraxaasi uu yahay 8 dhimasho ah iyo 17 dhaawac ah,ka dib markii Gaariga Noociisu ahaa Surf ,oo ka yimid dhanka Tarbuunka uu isku dayey in uu beegsado Baabuurta ilaalada UN.ka ee Looyaqaano Duguf Security.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.