Taliyihii NISA Yaasiin Fareey oo Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka loo doortay

yasiin

Agaasimaha Kumeel gaarka ah ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka galmudug.

Musharax Taliye Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Fareey ayaa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP67, waxaana doorashada kula tartamay Musharax Maxamed Cali Culusow oo helay Codad gaaraya 20.

Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Xildhibaan kale lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb sida qorshaha uu ahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.