Dhageyso:Xildhibaan Zakariye oo eedeyn u jeediyey Hay’ada NISA

zakriya

Xildhibaan Zakariya Xaaji Maxamuud ayaa Hay’adda Nabadsugida Soomaaliyeed ku eedeeyey inay la wareegeen Dayuuradaha iswada “Drones” oo uu ka keenay wadanka Turkiga, Diyaaradahaas oo ay leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa ladagaalanka cayayaanka Beeraha, waraabka beeraha iyo dhammaan howlaha la xiriira beeraha.


Diyaaradahan ayay shirkadda Hufan ugu talo-gashay la dagaalanka iyo buufinta Anyaxa, Waraabinta Beeraha iyo in lagu ogaado wabiyada meelaha ay ka jilcanyihiin ee uu ka fataho.

Xildhibaan Zakariya ayaa ka codsaneynaa hay’adda NISA inay hantidaas ay leedahay shirkadda Hufan looguna talogalay in loogu adeego beeraleyda Soomaaliyeed ay si degdeg ah ugu soo celiso gacanta Shirkadda Hufan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.