Axmed Madoobe oo Masuul ka Tirsan Puntland u Magacaabay gudoomiyaha Kismaayo

axmedmadoobe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Guddoomiye cusub oo ka mid ahaa Maamulka Puntland u magacaabay degmada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Kismaayo ahna Duqa Magaalada loogu magacaabay inuu noqdo Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas.

Guddoomiyaha Cusub ee Kismaayo ahna Duqa Magaalada Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne ayaa waxaa uu horay u soo noqday Taliyaha Ciidamada Puntland ee aaga Sanaag waxaana kaloo soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal xilligii uu Madaxweyne Puntland ka ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Hoos ka daawo warbixin kus saabsan Guddoomiyaha Kismaayo uu u magacaabay Axmed Madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.