Daawo:Laftagareen oo xariga ka jarey Tariminalka garoonka diyaaradaha Xudur

xudur

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdiasiis Xasan Maxamed Laftagreen oo ay wehelinayeen Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka gadiidka iyo duulista Hawada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xariga ka jarey dhismaha cusub Tariminalka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Xudur oo dhismihisa lasoo gabagabeyey.

Dhismaha Tariminalka cusub ee garoonka Xudur ayaa qeyb ka ah qeybta VIP-da oo si qurux badan loo dhisey iyo qeybaha kale ee Tariminalka uu ka kooban yahay.

Waxaana munaasabada kooban oo xariga looga jarayey dhismaha tarminalka ka dhacday gudaha garoonka Diyaaradaha magaalada xudur ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sanataro, Wasiiro, Lataliyaal, Saraakiisha Ciidamada, Madaxda maamulka Gobalka Bakool, kan degmada Xudur, odoyaasha, haweenka iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tilmaamay tani inay qeyb ka tahay dadaalada dowlada ay bixinayso hirgelinta adeegyada ay ubaahanyihiin Bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.