Akhriso:Habraaca doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi oo la soo saaray

mahdi

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa soo saaray habraaca doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi ee lagu waddo in maalinta berri ay ka bilaabato magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyagoo tixgelinaya Dastuurka KMG ee JFS, heshiisyadii iyo habraacii Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021, ayaa waxay soo saareen hannaanka loo marayo dooorashada Golaha Shacabka ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.