Guddiga Doorashada Somaliland ayaa Soo Saaray Jadwalka Laba Kursi oo Golaha Shacabka ah

Doorasho

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa soo saaray Jadwalka doorashada laba kursi oo kamid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Guddiga oo Qoraal  soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta oo Jimco ah ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Golaha Shacabka ee tirsagoodu yahay HOP239 iyo HOP237.

Labada Kursi mid kamid ah ayaa waxaa ku fadhiyay Xuseen Carab Ciise, kaasoo ah kursiga tirsigiisu yahay HOP239, waxaana u tartamaya Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Sidoo kale kursiga kale ee Tirsigiisu yahay HOP237 ayaa waxaa horey ugu fadhiyay Biixi Iimaan Cige, waxaana Guddiga doorashada Somaliland ay sheegeen in diiwaan-gelinta Musharaxiinta laba kursi lasoo gaba-gabeyn doono maalinta sabtida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.