Sawiro:Laftagareen oo qaabilay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobolleed

laftagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta Baydhabo gaaray.

Mudane Cabdicasiis Laftagareen oo kulan saacado qaatay la yeeshay Guddiga ayaa ka dhagaystay Warbixin ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshaha uga degsan sidii ay u qaban lahayeen Doorashada Xubanaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga Hir-gelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Ciro) iyo Guddoomiyaha Guddiga Hir-gelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Warbixin uga siiyey u diyaar garowga Doorashada golaha shacabka ee Dhinacyada Farsamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.