Madaxwayne Farmaajo oo La xariiray Gudoomiyaasha Siyaasada Punland

Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ee Puntland ee ku tartamay doorashada dadweynaha ayaa ugu hambalyeeyey natiijada dhiirri-gelinta mudan ee ay ka soo hooyeen deegaannada ay ku qabsoontay doorashadu.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Maamulka iyo bulshada Puntland, Guddiga Doorashada iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb-galay sida ay ugu midoobeen ka dhabeynta qorshaha dimuqraadiyeynta Puntland oo tallaabadii ugu horreysay loo qaaday, isaga oo ku adkeeyey in ay sii ballaariyaan tijaabada.

Dhankooda, Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda xiriirka uu la soo sameeyey iyo sida uu u dhirri-gelinayo hannaanka dimuqraadiyadeed, iyaga oo tilmaamay ifafaalaha wanaagsan ee arrintani ay u leedahay hannaanka siyaasadda dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.