Ciidamadii Sheekh Shaakir oo Iskaga Baxay Magaalada Guriceel

shiiqshaakir

Sheekh Shaakir iyo Ciidankiisii Ahlu-Sunna oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa ka baxay magaalada Giriceel kadib dagaal adag oo Maalmo Qaatay.

Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa fariisinkii ay ku lahaayeen dhanka waqooyi ee magaalada, gaar ahaan Jaamacadda waxay uga tageen 2 Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bille oo ay lahaayeen ciidamada dowladda, kuwaas oo ay ku qabsadeen dagaalkii bishii hore ka dhacay deegaanka Bohol.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa la wareegay gacan ku heynta Magaalada Guriceel, waxaana la sheegay inay gudaha u galeen dhufeysyadii ay Guriceel ku lahaayeen Ahlusunna, laguna arkayay Meydad aan weli la aasin.

Dagaalo socday afar maalin ayaa ka dhacay Magaalada Guriceel, una dhexeeyay Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca, isla markaana waxaa dagaalka ka dhashay qasaaro isugu jira Dhimasho, dhaawac iyo barakicinm

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.